Maalintii labaad ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug  waxaa laga hor istaagay in ay galaan Xaruntii ay ku shiri lahaayeen ee Magaalada Cadaado.
Xildhibaan Garaad Yuusuf oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in Ciidamo aysan waligood arag la dhigay Albaabka hore ee Xarunta isla markaana ay u diideen in Xildhibaanadu howlka galaan.
Waxa uu sheegay in Maanta lagu balansanaa in kulanka looga hadlo Saddex Ajando oo kala ahaa Sharciga Adeega Garsoorka, Dhaarinta Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada oo aan weli la dhaarin iyo sidoo kale howlaha kale ee Caadiga ah.
Waxa uu ku eedeeyay in ay masuul ka yihiin arrintaan dad ka hoos Shaqeeya Madaxweyne Axmed Geelle Ducaale Xaaf oo ka cabsi qaba in wax laga weeydiiyo arrintii ay ku taageereen xulufada Sacuudiga sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka