Mudo laga joogo 27 Sano wixii ka dambeeyay burburkii dalka Soomaaliya waxaa markii ugu horeysay  Caawa xili habeen ah Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ka soo degtay Diyaarad Siday dad rakaab ah.
Masuuliyinta dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay horay u sheegen in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xiliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha Aadan-Cade.
Xiligaas wixii ka dambeeyay waxaa ka soo degi jiray diyaarado milateri iyo kuwo ay leedahay Shirkadda Bancroft.
Diyaarada Caawa ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha Adan-Cadde ayaa waxaa iskaleh shirkada diyaaradaha Juba Airways, taas oo keentay in ku dhow 100 ruux oo u badan Xujeyda Sanadkaan.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ula soo wareegi laheyd Maamuliada Hawada soomaaliya iyada oo Garoonka lagu xiray qalabkii lagula socon lahaa