Degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa Al-Shabaab waxa ay ku soo bandhigeen ilaa Saddex Askari oo ay ku sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Maamulka Jubbaland.
Al-Shabaab ayaa war ay ku soo qoreen Barta ay ku leeyihiin Internet-ka  waxa ay ku sheegeen in Saddexdaan Askari oo mudo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland markii ay isasoo dhiibayeen in ay wateen hubkii ay ku dagaalami jireen.
Ciidamadaan oo gaaraya ilaa Saddex ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegen in ay si iskood ah isku soo dhiibeen kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyin loo geysanayay Shacabka Gobolada Jubbooyinka sida ay hadalka u dhigeen.