Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa Maanta ka dhacay banaanbax lagu taageerayay Go’aankii Madaxweynaha Maamulk Galmudug uu ku taageeray xulufada Sacuudiga, go’ankas oo ay ka soo horjeesteen Madaxweyne ku xiegenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas.
Banaanbaxan oo ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo ayaa waxaa k qeyb galay boqolaal ruux oo ka kala yimid Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada Galmudug aysan marnaba ka raali noqoneyn in lakala qeybo isla markaana ay taageero u muujinayaan Go’anka uu qaatay Axmed Ducaalle Geele Xaaf.
Hoos Ka Wareysiga Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo