Hadalkaan ayaa waxaa sheegtay gudoomiye ku xigeenka dhanka Maamulka iyo Maaliyada ee Maamulka gobolka Banaadir Maluuka Cabduqaadir Xaaji Dheere.
Waxa ay sheegtay in ay jiraan meelo badan oo biyo fariisid ah islamarkaana aan laheyn meelo Bulaacado ah oo ay biyaha ka baxaan.
Sidoo kale waxa ay hadalkeeda intaas ku dartay in Maamulka Gobolka Banaadir uu qorsheynayo in uu dib u dayactiro Bulaacadihii hore ee duugmay sidoo kalena uu dhisi doono kuwa Cuusb.
Hadalka gudoomiye ku xigeenka dhanka Maamulka iyo Maaliyada ee Maamulka gobolka Banaadir Maluuka Cabduqaadir Xaaji Dheere ayaa ku soo aadya xili Shacabka Muqdisho ay ka cabanayeen meelaha ay Biyaha fariistan kuwaas oo caafimaad ahan aan u wnaagsaneyn.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in Muqdisho uu ka da’ayay 24,kii Saac ee l soo dhaafay isla markaana uu Biyo dhigay Wadooyin badan oo ka tirsan Wadooyinka Gobolka Banaadir
Hoos Ka Dhageyso Codka Maluuka