Maamulka Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Maamulka Galmudug in ay jebiyeen hehsiiskii Nabada ee dhawaan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dhowr weerar oo ka dhacay Gobolka Mudug ay ka qeyb qaateeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Galmudug sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dhankooda ay weli diyaar u yihiin balse dhanka Galmudug ay heshiiskaas ka baxeen.
Weli dhankooda kama jawaabin Maamulka Galmudug hadalka ka soo baxay Gudoomiyaha Gobolka Mudug e Maamulka Puntland.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha