Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya ayaa xalay howlgllo kala duwan waxa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Dharkenley ee gobolkaan Banaadirkaas oo lagu qabqbtay tiro dad ah.
Howlgalka oo bilaawday xalay Fiidkii ayaa soo gaaray xili dambe,waxana la sheegay in howlgalkaas dad farabadan lagu qabqbtay.
Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dalsan u sheegay in howlgalka sigaar ah looga sameeyay Xaafada Xoosh ee degmadaasi isla markaana lagu xir xiray dad ku dhaw laba Boqol kuwaas oo la geeyay Saldhiga Galbeed.
Waxa uu sheegay in dadka intooda badan laga qabqabtay Wadooyinka Xaafada xoosh.
Degmada Dharkenley ayaa Maalmihii la soo dhaafay aheyd mid amaankeeda si aad ah loo deyrinayay waxaana falkii ugu dambeeyay 17 Bishaan lagu dilay taliyihii Nabad-Sugida degmada kaxda kadib markii Gaari uu sarnaa la weeraray.
Hoos Ka Dhageyso Codka Goobjoogaha