Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in xukuumadda Somaaliya ay haatan diyaarineyso qorsho looga hortagayo tabriibka Dhalinyarada Soomaaliyeed.
Waxa uu shegay in istiraajiidiyada dowladda ay tahay in dhalinyarada Soomaliyeed loo sameeyo Shaqa abuur si ay kaga baaqsadaan tahriibka.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in mararka qaar ay dhacdo in dhalinta xiliyada ay tahriibaan ay la kulmaa dhibaatooyin kala duwan iyaga oo aan aan gaarin halkii ay ku wajahnaayeen.
Hadalkaan ayaa Wasiirka Warafafinta Soomaaliya waxa uu sheegay xili shalay uu ka qeyb galayay kulan looga hadlayay Maareynta Siyaasadda Tahriibka oo lagu qabtay Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.