Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kadib doorashadiisi waxa uu sheegay in haatan xildhibaanda Hir-Shabeelle ay culeys weyn saareen maadaama ay codka kalsoonida siiyeen.
Waxa uu sheegay in isagu uu xilkaan uu u  hayo Shacabka Hir-Shabeelle oo ku kalsooni qaba sada uu hadalka u dhigay.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu wadashaqeyn la yeesho xildhibaanada iyo Shacabka.
“Hadii aad maqashaan Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo xildhibaanada ayaa isku dhacay aniga ayaa dambigaas iskaleh, sababtoo ah rabitaanka xildhibaanada iyo Shacabka Hir-Shabeelle ayaan ku Shaqeyn doonaan ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.
Hoos Ka Dhageyso Codka Maxamed Cabdi Waare