Dowladda Ethiopia ayaa shalay sheegtay inay Ciiddamo u dirayso Deegaanadaasi, kadib, markii uu ka dilaacay dagaal u dhexeeyey Qowmiyadda OROMADA iyo dadka Soomaalida ee looga tiro badan yahay dalkaasi.
Afhayeenka Dowladda Federalka Ethiopia, NEGARI LENCHO ayaa u sheegay Weriyayaasha in Ciiddankaasi loo daad-gureeyey deegaanaddii lagu dagaalamay oo ay horey uga dhaceen Iska horimaadyadii ugu xumaa.
Afhayeenka waa uu ka gaabsaday inuu sheego tirada dadka lagu dilay Deegaanka AWEDAY ee duleedka magaalladda HARAR ee dhulka Oromadda.
Saraakiisha Maamul-gobaleedka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay in ka badan 50 qof oo Somali ah
Dagaalkaasi ayaa la sheegay inuu maalintii Talaadada ee la soo dhafaay ka dhacay Degmadda AWEDAY ee Gobalka OROMIA.
Saraakiisha Gobalka OROMIA waxay sheegeen in weerarkaasi lagu dilay 18 qof oo Somali ah.
Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Soomaalida deggan Ethiopia, Cabdi Maxamed Cumar waxa uu ku eedeeyey Maamulka OROMIA inaysan ka hortegin xasuuq loo geystay dadka Soomaalida, balse Afhayeenka Gobalka OROMIA, Addisu Arega ayaa ku beeniyey arrintaasi qoraal uu soo dhigay Bartiisa Fecebook.
Waxa uu sheegay inuu dilkaasi bilowday, kadib, markii ay Ciiddanka LIYU BOLISKA bishan bilowgeeda dileen 3 qof oo u dhalatay Qowmiyadad Oromia, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray in ku-dhawaad 200 oo qof la xiray, kadib, markii ay dhaceen rabshadahaas.