Waxaa faah faahino dheeraad ah ka soo baxayaan dil Caawa Salaadii maqrib kadib ka dhacay Xaafada Kaawa Godeey qeybta degmada Dharkenleey ee Gobolkaan Banaadir.
Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay toogteen mid ka mid ah Ciidamada Minashiibiyada oo uu la socday mid ka mid ah Sariflayaasha Suuqa degmada Wadajir,kuwaas oo dhamaantood halkaas ay ku geeriyoodeen.
Ragga la dilay ayaa lagu kala sheegay Jeeri Maxaa Raaf, oo ahaa Askariga iyo Maxamuud Siyaad oo ahaa qofka Sariflaha,waxaana la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilka ragaas ay goobta ka baxsadeen.
Majirto cid faah faahin intaas dheer ka bixisay dilka ragaas,waxaana Goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo Caawa howlgallo ka wada Xaafada Kaawa Godeey qeybta degmada Dharkenley oo uu Caawa dilka ka dhacay.
Dhanka kale waxa aan xiriir la sameynay Maamulka degmada Dharkenley si aan wax uga weeydiino dilka Caawa Salaadii Maqrib ka dhacay Gudaha degmadaas basle nooma suuragelin .