Waxaa Maanta Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle lagu soo gaba gabeeyay dhgeysiga khudbadaha Musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle.
Ilaa Siddeed musharax ayaa u taagan qabashada xilka madaxweynaha Hirshabeelle kaddib markii xildhibaannada baarlamaanka maamulka kalsoonidii kala noqdeen 14kii Augusto madaxweynihii hore Cali Cabdullaahi Cosbole.
Musharixiinta ayaa isugu jira siyaasiyiin hore, mas’uuliyiin xilal horay uga soo qabtay gobolka Hiiraan iyo shaqsiyaad ku cusub siyaasada.
Ammaanka magaalada Jowhar gaar ahaan xarunta doorashada ayaa aad loo adkeeyay, si uusan u dhicin falal ka baxsan amniga inta lagu guda jiro arrimaha doorashada madaxweynaha Hirshabeelle.
Maalinta Berito ah ayaa guddiga doorashada waxa ay sheegeen in aysan jirin wax Shqo ah, ila rkaana dhamaan fasax lagalayo si Maalina Sabtida ah ay u dhacdo doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka duwan doorashadii la soo dhaafay.
Hoos Ka Daawo Sawirrada