Qaraxaan ayaa jugtiisa inta badan laga maqlay gudaha Magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in uu ka dhacay meel aan ka fogeyn hotelka Wehliye oo ku yaalla Wadada Maka-Almukarama.
Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kaas oo ku qarxay Goob Maqaaxi ah oo u dhow Hotelka Wehliye.
Khasaare ayaa la sheegay in uu qaraxaas geestay in kastoo uusan cadeyn weli,balse Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa xiray wadooyinka soo gala Goobta uu qaraxa dhacay.
Gawaari ambalaasta ayaa goobta ku sii qul qulaya si ay u qaadaan dhaawacyada uu sababay qaraxaas.