Xildhibaan Daahir Amiin Jeezoow oo ka mid ah Xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu muhiimd gaar ah uu lahaa Sharcigii Baarlamaanka la horkeenay ee ahaa in waxyaabaha dalka laga heli karo in dalka dibadiisa aan laga iib keenin.
Waxa uu sheegay in uu codsanayo in markale Sharcigaas la horkeeno Baarlamaanka Soomaaliya si ay u ansixiyaan maadaama uu yahay mid muhiim u ah Ummadda Soomaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu sheegy in hadii Sharcigaan ay Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyaan ay meesha ka baxeyso in waxyaabo dalkeena laga heli karo dalka dibadiisa laga iibkeeno.
Hadalka xildhibaan Daahir Amiin Jeezoow ayaa imaanaya xili inta badan agabyada iyo waxyaabaha laga isticmaalo dalka laga keeno dibada balse u baahan in laga gudbo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaanka