Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey Madaxweyne ku xigeenka Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in Puntland ay htaan diyaar u tahay in ay Galmudug kala Shaqeyso dhanka amniga Gobolka Mudug.
Waxa uu sheegay in madaxda Puntland oo mideysan ay diyaar u tahay in ay ka hortagaan waxkasta oo deegaanada Puntland iyo Galmudug u keeni kara amnidaro.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhibaatada ka dhalata Geela lakala dhaco ay sabab u yihiin amnidarada waxa uuna sheegay in hadii Geel laga soo dhacay dhanka Galmudug lala soo aado dhanka Puntland balse ay iyana diyaar u yihiin in ay soo qabtaan ama ay bixiyaan.
Hadalkaan ayaa imaanaya xili weli magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug uu ka socdo shirweyne u dhaxeeya Bulshada Gobolka Mudug ee labada Maamul Puntland iyo Galmudug.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka