Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwo ka tirsan kuwa Kenya ayaa Saakay holwgallo ka wada Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose kadib markii shalay Gelinkii dambe rag hubeysan ay ku dileen Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada dalka Kenya.
Al-Shabaab ayaa sheegtay Masuuliyada dilka Askartaas oo la sheegay in ay ahaayeen Injineero dhanka dhismaha ah u qaabilsanaayeen Ciidanka Kenya ee ku sugan Magaalada dhoobleey.
Ciidamada Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland oo qaarkood wata Gaadiidka dagaalka ayaa saakay duleedka dhoobleey iyo Xaafado ka tirsan waxa ay ka wadaan howlgallo iyaga oo ka jawaabaya dilkaas.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid horay loosii qorsheeyay balse dhacdadaan ay la kulmeen haatana ay diyaar u yihiin in ay hwolgalkaas siiwadaan.
Wararkii u dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay weli howlgalka wadaan welina majirto waxyaabo ay ku soo qabteen marka laga reebo in ay isku fidiyeen Xaafado ka tirsan Magaalada dhoobleey.