Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida dalka Itoobiya ayaa markii ugu horeysay si maqal ah waxa uu kaga hadlay xaalada Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, kaas oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ku wareejisay Itoobiya.
Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida dalka Itoobiya ayaa marka hore waxa uu sheegay in Cabdi Kariin Qalabi Dhagx uu yahay nin ka soo jeeda Soomaalida Itoobiya balse aha mucaarad dhibaato badana u geestay Soomaalida halkaasi ku nool.
Waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday Siyaasiyiinta xiligaan u doodaya dhiibitaanka Qalbi Dhagax.
“Dadka u doodaya qalbi dhagax dhowr qeybood ayaa kala yihiin kuwo waa kuwo xildoon ah oo doonaya in ay xil ku helaan kuwo waa kuwa mucaarad ah oo dowladda ka soo horjeeda oo doonaya in Al-Shabaab la soo celiyo kuwana waa kuwa ka soo horjeeda horumarka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayuu yiri Cabdi Maxamuud Cumarâ€
Sidoo kale waxa uu sheegay in kuwa ku qeylinaya in ay u doodayaan muwaadin Soomaaliyeed oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka ee la dagaalamay dolwadda Itoobiya in kuwaas lga doonayo in ay u doodaan kuwa maalin walba ku dhaawacma dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Cabdi Maxamuud Cumar