Wararka aan ka heleyno deegaanka Buulo Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayan in fariisin Ciidamada Jubbaland ay halkaasi ku leeyihiin ay weerar Ismiidaamin ku bilaawday  ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Al-Shabaab.
Weerarka ayaa ku bilaawday qaraxyo, waxaana intaasi kadib halkaasi ka bilaawday dagal toos ah oo u dhaxeeya ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-Shabaab ee deegaanka Buulo Gaduud weerarka ku qaaday.
Dagaal ayaa la sheegayaa in weli uu halkaasi ka socdo,sida ay sheegayaan dadka deegaanka Buulo Gaduud, in kastoo aan weli la cadeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas qarxyada ku bilaawday.
Deegaanka Buulo Gaduud ayaa waxa ay 30km u jirtaa Magaalada Kismayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in gurmadyo kala duwan ay ka imaanayaan dagaalkuna uu yahay mid culus.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com