Saraakisiha Dowladda ayaa maanta sheegay in 10-kii qof ee lagu dilay Hawlgalkii ay sida wadajirka u fuliyeen Ciiddanka Dowladda iyo Milliteriga MaraykankaΓΒ ahaayeen dad rayid ah, isla markaana Qoysaskooda la siin doono lacagta magta.
Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon ayaa sheegay in dadkaasi si kamaΓ’β¬β’ ah loo dilay, isla markaana ay DF diyaar u tahay inay Qoysaska Marxuuminta kala hadlaan arrintaasi.
Xildhibaanka ayaa hadalkaasi ka jeediyey goobtii maanta Aaska Qaran loogu sameeyey Marxuumintaasi lagu dilay weerarkii Jimcihii ka dhacay Deegaanka Bariire ee Gobalka Sh/hoose.
Hoggaamiye Dhaqameed lagu magacaabo Ibraahim Xasan Cali oo ka mid ah Qaraabadda Marxuuminta la dilay ayaa sheegay inay saqdii dhexe ee xalay Heshiis Rasmi ah la gaareen DFS.
Waxa uu sheegay inay DF la gaareen Heshiis ka kooban 3 qoddob oo kala ah:
1-ΓΒ ΓΒ ΓΒ ΓΒ ΓΒ In Marxuuminta loo sameeyo Aas Qaran oo ay ka soo qeyb gelaan Saraakiil ka tirsan DFS,
2-ΓΒ ΓΒ ΓΒ ΓΒ In magdhow laga bixiyo 10-ka Marxuum ee la dilay
3-ΓΒ ΓΒ ΓΒ ΓΒ Inay DFS xaliyaan colaadaha QabaaΓ’β¬β’ilka ee ka socda Gobalka Sh/Hoose, si uusan mar dambe u dhicin shil la mid ah kan lagu dilay Marxuumintaasi rayidka ahaa.
Si kastaba ha ahaatee, DFS waxay Guddi Farsamo u saartay Dhacdadaasi, kuwaasi oo la filayo inay gelinka dambe ee maanta Warbixintooda ka jeediyaan Shirka Toddobaadlaha ee Golaha Wasiiradda XFS.