Wasiiradda Difaaca iyo wakiilo ka kala socday Dowladaha Uganda, , Angola, Burkina Faso, Chad, Egypt, Rwanda, Senegal, Tanzania, South Africa, Niger, Sudan iyo Algeria ayaa shalay Shir Khaas ah ku yeeshay Caasimadda dalka Uganda ee Kampala, waxayna ku heshiiyeen in la dhiso Ciiddamo Heegan u ah inay si degdeg ah ku hawlgeli karaan, kuwaasi oo loo daad-gureyn doono hadba dalalka Afrikaanka ee ay ka dhacaan Colaadaha Hubeysan.
Wasiiradda waxay kaloo isla gaareen inay bisha October ee soo socota yeeshaan Kulan logu horumarinayo Miisaaniyadda Hawlgalladda KMG ee Ciiddankaasi, ka hor intaysan si rasmi ah u hawlgelin Ciiddanka Afruikaanka ee Heegaanka ah (African Standby Force (ASF) Â sannadka soo socda.
Madaxa Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika, Ismail Chergui. Oo ka hadlay Shirka Wasiiradda Difaaca ee Afrika ayaa ku booriyey Dowladaha xubnaha ka ah AU-da inay dhiibaan Qaaraanka Lacagee4 ee Hawlaha Nabadda ee Afrika.
Waxa uu intaasi ku daray inay arrintan muujinays sida ay Dowladaha Afrika diyaarka ugu yihiin Difaacidda Danaha Ammanka Afrika, iyadoo aysan jirin Taageero Dibedda ah.
Dowladaha xubnaha ka ah AU-da waxaa mid kasta laga doonayaa lacag dhan 12,000 oo Dollar, si loo awoodo daad-gureynta Hal Guuto oo Ciiddan ah iyo dhismaha Xarumaha Dhexe ee Ciiddamadda ee sannad-maaliyadeedka 2017 ilaa 2018.