Sida laga soo xigtay Ku-xigeenka Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ugu qaabilsan Isgaarsiinta, Jon Dahms waxa uu sheegay inay Alshabaab dib isku soo abaabulayso sidii ay u kordhin lahaayeen dagaalladda ay ka wadaan Somalia iyo dalalka deriska.
Mar uu ka hadlayey muhiimadda ugu ballaaran ee ay Hawlgalka ay AFRICOM ka wadaan Qaaradda Afrika, waxa uu tilmaamay inay tahay sidii ay u naafayn lahaayeen cabsida Alshabaab, loona yareyn lahaa Dagaalladda Xag-jirka ee Ururradda Boko Haram iyo kuwa kale ee ka hawl-gala Saaxil, Libya iyo Waqooyiga Afrika
Dhinaca kale, mid ka mid ah La-taliyayaasha Sare ee Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay inuusan Ammaanka Gobalka Geeska Afrika u wanaagsanayn haddii ay Alshabaab dib isku soo abaabulaan, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan Alshabaab doonaynaynin Deganaanshaha Gobalka, loona baahan yahay in la sii kordhiyo cadaadiska lagu hayo, waa sida uu hadalka u yiri.
Dhinaca kale, Sarkaal hore uga tirsanaa AFRICOM ayaa isagana sheegay haddii ay Dowladda  Uganda la soo baxdo Ciiddankeeda qeybta ka ah AMISOM in laga yaabo inuu wiiqo Hawlgalka Ciiddanka AMISOM.
Si kastaba ha ahaatee, Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab waxay dagaal 10-jirsaday haatan kula jiraan Ciiddanka DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM oo tiradoodu dhan tahay 20,000 oo Askari.