Magaalada Garoowe ee deeganada Puntland waxaa Maanta ka taagan xiisad ka dhalatay,wareegto uu madaxweyne ku xigeenka Puntland uu Shaqadii uga joojiyay taliyaha ciidanka Booliiska puntland.
Cabdulqaadir Faarax Shire (Ereg) ayaa Shaqa joojintiisa waxa ay salka ku heeysaa arin la xiriirta in uu Maxaabiis dhowr ah uu ka siidaayay Xabsiyada, in kastoo aysan ku jirin Maxaabiistaas kuwo lagu eedeynayo waxa loogu yeero Argagaxisada.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Cabdulqaadir Faarax Shire (Ereg) uu Warbaahinta kula hadlo hooygiisa.
Wariye Maxamuud Cabdi Naasir soofeysane oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa ka Waramaya xiisadaas ka taagan Garoowe.