Mashruuc cusub ayuu Bangiga Adduunka daaha ka rogay, kaasi oo laga hirgelinayo 7-Waddan oo ka tirsan Dalalka ay Colaaduhu aafeeyeen. Kuwaasi oo ay ka mid yihiin : Somalia, Yemen, Sudan iyo Cameroun iyo Deegaanadda Daanta Galbeed ee Reer Falastiin.
Qorshahaasi waxaa asaas looga dhigay xushmeynta Kororla arrimaha Samafalka Aadminimo, Horumarinta iyo Dadaalka dhismaha Nabadda ee dalalkaasi.
Inkastoo xiisaha Samafalka Aadminimo u baahan yihiin Jawaab Degdeg ah, waxay Beesha Caalamka ku baaqeen Horumarinta Hay’addaha Horumarinta, sida Kooxda Bangiga Adduunka, si ay qorshaha Xilliga Dheer u siiyaan Arrimaha Bulshadda, Ka-hortagga Xiisadaha Colaadeed iyo in la yareeyo Baahida Aadamino.
Qorshahan waxa uu muhiim u yahay Hawlgalladda ay Bangiga Adduunka ka wadaan 7-daasi Waddan oo bishii June ee sannadkan loo qoondeeyey lacag dhan 4 million oo Dollars.
Qoondada Kharajka Bangiga Adduunka ee loogu talagalay Somalia ayaa lagu saleeyey Heshiiska Cusub ee Horumarinta iyo Fududeynta Adeegyadda Dib-u-dhiska Somalia, Horumarinta Aadanaha iyo Ammaanka, si loo taageero Qotshaha Horumarinta Qaranka (The National Development Plan).