Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qarax gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Maka-Almukarama ee Magaalada muqdisho.
Qaasim Axmed Rooble,fhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya oo Goobta qaraxa ka dhacay Warbaahinta kula hadlayay ayaa sheegay in abaara 4: 30 Galabnimo gaari Saruf ah la dhigay Wadada Xaaji baasto si  dadka Soomaliyeed lagu waxyeeleeyo sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in Gaarigaas markii meesha la soo dhigay ay ka warheleen Ciidamada,islamarkaana ay dadaal ku bixiyeen in uusan waxyeelo u geysan dadka Shacabka ah.
Dhanka khasaaraha ayaa waxa uu ku sheegay in ay ku dhaawacmeen 4 Ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Ciidamada Booliiska Soomaaliya,taasina ay ku timid dadaal ay sameeyeen ciidamada amniga oo kaashanaya Shacabkooda.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in ciidamadu ay had iyo jeer diyaar u yihiin in ay ka hor tagaan waxkasta oo dhibaato u geysan karta Shacabka,isla markan dadaalkaas lasii wadi doono.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka