Qarax gaari ayaa goordhow ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Maka Almukarama ee gobolka Banaadir.
Qaraxa xoogiisa ayaa inta badan laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaan la sheegay in uu ka dhacay meel aan ka fogeyn halka loo yaqaano xaaji Baasto oo u dhaxeysa taree biyaano iyo shaqaalaha meel u dhow hotelka Mubaarak.
Warar ay heleyso Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa la dhigay Wadadaas balse markii ay Ciidamada ka warheleen ay Wadada xireen kaas oo ugu dambeyn uu qarxay.
Weli macada khasaaraha ka dhashay qaraxaas,waxana Wadada ay weli u xiran tahay ciidamada dowladda,iyada oo gawaarida ambalaasta ay Goobta ku sii qul qulayaan.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com