Iyada oo dhawaan qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya ay siyaabo kala duwan uga hadleen dhacdadii 10,Ruux lagu dilay ee ka dhacday deegaanka Bariire,ayaa waxaa laga mamnuucay in ay Baraha Bulshada iyo Warbaahinada kale ku soo bandhigaan waxyaabaha xasaasiga ah ee dhanka Amniga.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed guuleed Khadar ayaa waxaa lagu sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya aysan golaha Wasiirada u adeegsan Karin Baraha Bulshada iyo Warbaahinta,arimaha xasaasiga ah iyada oo aan ruqsada ka heysan Xafiiska ra’iisul Wasaaraha.
Hoos Ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare ku xigeenka