Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha dowald Goboleedka Galmudug ayaa Goordhow xildhibaanada Maamulkaas horgeeyay Golihiisa Wasiirada ee uu dhawan Magacaabay.
Xildhibaanada Galmudug ayaa haatan kusugan Madaxtooyada Galmudug ee Magaaalda Cadaado,waxaana sidoo kale ku sugan Madaxweyne Xaaf,waxa uuna sheegay in uu xildhibanad k codsanyo in ay ansixiyaan Golaha wasiirada.
Ka hor kulanka ayaa waxaa la arkayay xildhibaanada oo si kala Gooni Gooni ah u shiraya,iyada oo la soo sheegayo inj ay jiraan xildhibaano didan golaha Wasiirada Cusub ee la soo Magacabay kuwaas oo u badan kuwii uu horay u Magacaabay CabdiKariin Guuleed.
Haatna Madaxweyne Xaaf ayaa Khudbad halakaasi ka jeedinaya waxana la filayaa in la guda galo cod u qaadista wasiirada oo a sugayo in ay ansixiyaan ama diidaan.