Cabdi faarax Siciid Juxa,Wasiirka arrimaha Gudaha iyo dib u heshiinta Soomaaliya oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ayaa Maanta la filayaa uu furo shir xasaasi ah.
Shirkaan ayaa ah mid u dhaxeeya Golayaasha dowladaha hoose kaas oo mid la mid ah horay uga dhacay magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.
Qaban qaabada furitaanka shirka ayaa haatan laga dareemayaa Kismaayo,waxaana ku sugan wufuud kala duwan oo ka kala socda Maamul goboleedyada.
Wasiir Juxa ayaa markii uu shalay tegay Kismaayo waxa uu sheegay in dhamaan xarumaha Maamul Goboleedyada shirkaan lagu qaban doono.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir Juxa