Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,madaxweynaha Soomaaliya oo shalay gaaray dalka Masar ayaa la filayaa in uu Maanta la kulmo Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.
Safaarada Soomaaliya ee dalka Masar ayaa xaqiijisay in madaxweynuhu uu la kulmi doono Ardayda  iyo waliba Jaalida Dalka Masar ku sugan kulankaas oo ah kii ugu horeeyay.
Soomaalida ka qeyb geli doonta kulanka ayaa lagu wargeliyay in waqtiga uu bilaabayo kulanka dhamaan la hakin doono isku socodka dadka iyo gaadiidka Magaalada Qaahira.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la filaa in uu la kulmo madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Al-Siisi,isaga oo kala hadli doona sidii ay iskaga kaashaan lahaayeen amniga iyo dhaqaalaha