Al-Shabaab ayaa xalay weerar dhowr jiho ah waxa ay ku qaadeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo saacado ah socday.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa ay dalsan u sheegeen in dagaalkaas uu ahaa mid aad u culus islamarkaana Al-Shabaab ay weerar xooggan ku soo qaadeen degmada balse la iska difaaceen.
Weli majirto cid cadeyn karta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas mana ka hadlin Saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmada intaba.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawc ah oo kala gaaray labada dhinaca oo Afgooye xalay ku dagaalamay.
Wararkii u dambeeyay ee haatan aan ka heleyno afgooye ayaa waxa ay sheegayan in xaaladu ay tahay mid degan islamarkaana ciidamadu ay wadaan howlgallo aan saas u weyneyn.