Wararka aan ka heleyno Magaalada Berbera ee deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in mid ka mid ah Muruq maalatada Dekadda Berbera uu geeriyooday kadib markii  ay Koronto qabsatay.
Marxuumkaan oo lagu Magacaabi jiray Jaamac Ismaaciil Cali,ayaa in mudo ah ka Shaqeynayay Dekadda Magaalada Berbera waxaana la sheegay in sikedis ah ay Koronto ku qabsatay islamarkaana uu u geeriyooday.
Qaar ka mid ah muruq maalada Dekadda oo saakay arkay Meydka ayaa aad uga naxay,waxaana Masuuliyiinta Shirkadda DP World oo maamusha Dekadda Berbera lagu wargeliyay in ay bixiso Diyadiisa.
Ugu dambeyn isla maanta ayaa lagu aasay Gudaha Magaalada Berbera,iyada oo Muruq maalada qaarkood lagu wargeliyay in ay iska ilaaliyaan meelaha Korontada ku xiran tahay ee Gudaha Dekadda.
W/Q/ Cabduqaadir Jakaarta
Sawirro