Guddiyada Amniga,Xaquuqul Insaanka iyo Arimaha Gudaha ee Xubnaha Aqalka Sare ayaa maanta Guddi soo baara u saaray Dagaalkii Xeraale,Xiisada Hir-Shabeelle iyo duqeyntii ka dhacday deegaano hoostaga degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe.
Xubnaha Aqalka Sare oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho oo uu hortegay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan,ayaa looga dhawaaqay Guddigaas.
GuddigA ayaa laga dalbaday in mudo 24 Saac Gudahood ah ay kas oo jawaabaan baaritanada ku aadan dagaalka deegAanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud,xiisada Hir-Shabeelle iyo Duqeyntii degmada Jilib.
Wixii ka soo baxa ama ay Guddigaan soo saaraan kala socda radiodalsan.com
W/Q Cabduqaadir Jakaarta