Ciidamada Dowladda Soomaaliya o garab ka helaya kuwo Cadaan ah ayaa Maanta la wareegay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Aroornimadii hore ee Saakay ayaa waxaa deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada Amisom oo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Wararkii u dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya deegaanka Bariire ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay Guud ahaan Gacanta kudhigeen deegaanka Bariire.
Warkaan waxaa Afgooye ka soo diray Maxamed Cusmaan Ma’da