Gudoomiyaha Maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay dab khasaaro dhaliyay oo Maanta ka kacay Guri ku yaala degmadaas.
Axmed Xasan Maxamuud,gudoomiyaha degmada Yaaqshiid oo sigaar ah ula hadlay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in dabkaas uu ka kacay mid ka mid ah Guryaha ku yaalla degmadaas islamarkaana uu Xaafado kale ku sii fiday.
Waxa uu sheegay in dabkaas uu geestay khasaaro hantiyeed balse dadaal ay sameeyeen ay ku guuleesteen deminta dabkaas.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha oo uu la yeeshay Wariye Axmed Xuseen Cadow.