Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud,waxaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacayay dagaalo u dhaxeeya laba Maeeshiyo beeleed oo xoolo dhaqato ah,kaas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maamulka Galmudug Mursal Cabdiraxmaan Axmed oo wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in haatan deegaanka Xeraale uu weli dagaalka ka socdo,islamarkaana ay ku lug leeyihiin Ciidamada Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca.
Waxa uu sheegay in dagaaladaas laga soo abaabulay deegaanada ay Ahlusuna Wal-jamaaca Gacanta ku hayaan,islamarkaana ilaa 20 Gaadiidka dagaalka ah ay ka joogaan deegaanka Xeraale sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga uu Wasiirka ka qaaday Wariye Maxamed Cabdullaahi Baxnaaniye