Madaxwaynaha Maamulka Somaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan magaalada Dubai.
Madaxwayne Siilaanyo ayaa waxa safarkiisa ku wahelinayay,xoghayihiisa gaarka ah ee Cali Axmed Cali iyo xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac,iyaga oo ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa,halkaas oo ay madaxwaynaha ku sii sagootiyeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulkiisa.,
Ujeedada socdaalka madaxwaynaha ayaa ah mid gaar ah iyaga oo xogo kasoo baxaya safarka madaxwaynaha ay sheegayaan inuu halkaasi u tagayo kulan uu la qaaddanayo dhakhaatiir ay ballameen safarkii hore ee madaxwayne Siilaanyo dhawaan ku tagay dalka Imaaraadka Carabta kaas oo qaatay muddo 28 Maalmood ah.
.
Safarkan uu madaxwayne Siilaanyo saaka ugu baxay Imaaraadka Carabta Ayaan la garanayn mudada uu qaadan doono,iyada oo la shaaciyay in Madaxtooyada Soomaaliland ay dhawaan shaacin doonto.
Hoos Ka Daawo sawirrada Sagootinta Madaxweyne Siilaanyo