Diyaaradaha dalka Mareykanka ayaa duqeyn ka geestay deegaanka Axmed yare oo hoostaga degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,waxana la sheegay in duqeyntaas ay ku geeriyoodeen dad rayid ah.
Qoys ka mid ah dadka ku nool deegaanka Axmed yare ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen duqeyntaas,waxaana Magacyada dadkaasi soo saaray Al-Shabaab waxayna kala ahaayeen.
Hoos Ka AKriso Magacyada dadka.
1:-Â Sheekh Maxamed oo ay la geeriyootay Xaaskiisa Xaawa Muudeey
2:-Â Muudeey Xuseen oo adeer u ahaa Sheekh Maxamed.
3:-Â Sheekh Nuur Xaaji Garweyne oo qabay gabar uu dhalay Sheekh Maxamed.
4:- Cabdi Naasir oo uu dhalay  Sheekh Maxamed.
5:-Â Cali Nuur Sheekh Nuur oo ay ilma’Adeer ahaayeen Sheekh Maxamed.
6:- Shariif Sheekh Ooyaaye, oo ay ilma’Adeer ahaayeen Sheekh Maxamed.
Marka laga soo tago Warkaan ay soo saareen Al-Shabaab ayaa hadana waxaa war-Saxaafdeed ay siwadjir ah u soo saareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taliska ciidamada Milatariga Mareykanka ee Africa ee loo yaqaano AFRICOM,waxa ay sheegeen in lagu dilay 7 ka mid ah Saraakiisha Al-Shabaab.