Xiisada dagaal oo u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed ayaa saakay markale ka taagan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud halkaas oo uu shalay gelinkii dambe dagaal ku dhexmaray.
Dagaalkii shalay ayaa geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,waxana la sheegay in ay ku geeriyoodeen ila 5 ruux halka 10 kale ay ku dhaawacmeen sida ay radio dalsan u sheegeen qaar ka mid ah dadka deeganka.
Wararkii u dambeeyay ee saakay nagasoo gaaraya deegaanka xeraale ayaa waxa ay sheegayaan in laga maqlayo rasaas Goos Goos ah,waxaan dadka qaarkood ay sameynayaan barakac iyaga oo ka cabsiqaba in ay waxyeelo ka soo gaarto dagaalkaas.
Weli majiro cid ka hadashay dagaalkaas,gaar ahaan masuuliyiinta Maamulka Galmudug,waxana Shacabka ku nool deegaanka Xeraale uu saameyn ku yeeshay dagaalkaas.
W/Q/ Cabduqaadir Jakaarta