Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay toddoba xubnood oo ka mid ah ΓΒ Al-Shabaab ku dileen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ciidamada ammaanka oo ay wehlinayaan ciidamada dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya u ogolaaday inay howlgal amni oo ka dhan ah Shabaab ka fuliyaan Jubbada Dhexe.
Γ’β¬ΕCiidamadeenu waxay dileen toddoba ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo uu ku jiro hoggaamiye sare oo masΓ’β¬β’uul ka ahaa qaraxyo ka dhacay magaalada MuqdishoΓ’β¬Β ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda warfafainta.
Dowladda Soomaaliya iyo dalalka kale ee ku caawiya howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa dhowaanahan sare u qaaday beegsiga xubnaha ururka Al-Shabaab.
Kowdii bishan August, Dawladaha Maraykanka iyo Soomaaliya waxay xaqiijiyeen in hawlgal ka dhacay deegaanka Toora-Toorow lagu dilay madaxii ururka Al-Shabab uqaabilsanaa magaalada Muqdisho Cali Maxamed Xuseen oo la yaqiin Cali Jabal.