Xubnaha Golaha Wasiirada Maamul goboleedk Hir-Shabeelle ayaa haatan Magaalada Jowhar waxa ay ku leeyihiin kulan xasaasi ah kaas oo ay uga hadlayaan arimo dhowr ah.
Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe,Madaxweyne ku xiegenka hir-Shabeelle ahna Siihayaha xilka madaxweynaha ayaa kulnka shir gudoominaya,waxa ayan uga hadlayaan xaalada siyaasadeed e xiligaan Maamulka Hir-Shbeelle.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlayay xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii Cali Cabdullaahi Cosoble,iyo sidii asyan saameyn ugu yeelan xaalada amni e Hir-Shabeelle iyo Shaqooyinka Golaha Wasiirada.
Gabagabada kulanka ayaa la filayaa in ay War ka soo saaraan qodobo dhowr ah,waxana shirkan uu ku soo aadayaa xili Cali Cabdullaahi Cosoble  uu Gobolka Hiiraan u kala qeybiyay laba Gobol,oo kala ah Gobolka shabeellaha Sare iyo Gobolka Hiiraan.