Madaxweynihii xilka laga qaaday ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble,ayaa Magacaabay Gobolka Kale oo Cusub kadib markii uu labo u kala qeybiyay Gobolka Hiiraan.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Cosoble,ayaa waxaa lagu Magacaabay Gobolka Shabeellaha Sare kaas oo Xaruntiisa laga dhigay degmada Buulo Burde,isaga oo ka koobnaan doona 5 Degmo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in gobolka Hiiraana uu isana noqonayo 7 degmo oo guud ahaan  labada Gobol ay noqonayaan 12 degmo.
Arintaan Magacaabista Cosoble,ayaa u muuqata mid uu ku cadeynayo in uu ka maarmo Gobolka Shabeellaha dhexe,waxa ayna sii xoojin kartaa xiisada ka dhex taagan hoggaanka Sare ee Maamulk Hir-Shabeelle
Hoos Ka Akhriso wareegtada oo dhamestiran