Ciidamada Booliiska Maamulka Galmudug ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay Gacanta ku dhigeen howlgal ay sameeyeen Kooxo ka Ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya.
Taliyaha Saldhigga ciidanka Booliiska magaalada gaalkacyo Cawil Nuur Rooble ayaa warbaahinta uga waramay howlgalkaan iyo waxyaabaha lagu soo qabtay, kuwaasi oo saxaafadda loogu soo bandhigay gudaha Saldhiga.
Ka ganacsiga Maandooriyaha ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo badanayay magaalada Gaalkacyo,taas oo keentay in ciidamada Booliiska Galmudug ay bilaabaan howlgal ka dhan ah kooxahaas.
Hoos Ka Daawo Sawiirada