Kooxo hubeysan ayaa qeybo ka mid ah degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir wax ay ku dileen mid ka mid ah Ciidamada Nabad-Sugida soomaaliya.
Dilka Askariga ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn Xarunta Unisef ee Waaxda October,waxaana la sheegay in dhaawac markii hore gaaray uu u geeriyooday Askariga.
Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dalsan u xaqiijiyay dilka Askarigaas,waxa uuna sheegay in kooxdii disahay ay Goobta ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Waaberi ayaa Goobta gaaray walow aysan ku guuleysan in ay Gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.
Dhanka kale xiriir aan la sameynay maamulka degmada Waaberi si aan wax uga weeydiino dilkaas ayaanan noo suurtagelin.