Wararka aan ka heleyno deegaanka Abal ee Gobolka Bakool ayaa waxa uu sheegayaa in maanta markale dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisinkii Wadaadka Muqtaar Rooboow ee deegankaas.
Weerarka kadib ayaa la sheegay in uu halkaasi ka bilaawday dagaal u dhaxeeyay labada dhinac,waxaana lagu soo waramayaa in Al-Shabaab ay ciidamo ad u farabadan geeyeen deegaano ku dhow dhow Abal.
Khasaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhex maray labada dhinac,waxana Masuuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ay sheegen in Al-Shabaab ay dib ugu laabteen deegaankii ay ka soo duuleen ee 20 jiroow.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyaadka Muqtaar Rooboow,ay haatan weli ku sugan yihiin deegaanka Abal,oo ah halkii lagu weeraray.
Xaalada gobolka Bakool ayaa maalmahaan ah mid kacsan,waxana sido kale jira ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugan degmada Xudur kuwaas oo doonaya in ay Caawiyaan Muqtaar Rooboow.