Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in koontoroolka Bari ee Magaaladas uu ka dhacay shil Gaari.
Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo mid ka mid ah ay leedahay shirkadda Safarada Raxmo oo ka mid ah kuwa ka howlgalla Magaalada Garoowe.
Waxaa la sheegay in shilkaas khasaarihiisU uu aad u yar yahay,islamarkaana uu dhaawac fudud soo agaray dadkii saarnaa labadaasi Gaari.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Gawaarida shilka gashay.