Siyaasiga Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo ah Diplomaasi Dowladda Finland kala taliya Arrimaha dalka Somalia, ayaa ka hadlay kulankii dhawaan Magaalada Kampala ku dhexmaray Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Siyaasiga ayaa sheegay in  kulankaas uu yahay dhaq dhaqaaq jira islamarkaana ay masuul ka tahay dowladda Imaaraadka Carabta kaas oo ah mid la doonayo in lagu jilaafeeyo dowladda sooamaliya.
Waxa uu sheegay in ay macquul tahay dhanka kale in dowladda Uganda iyo Madaxweyne Farmaajo,ay ka dhaxeyso taariikh Madow,islamarkaana Uganda  ay ku dooneyso in qorsho kasto oo looga hor imaanayo dowladda Madxweyne Farmaajo.
“Waxaa macquul ah in dowladda Uganda ay ka walwalsan tahay Ciidamada uu farmaajo,sameynayo maadaama ay saameyn ku yeelan karto Ciidamadooda jooga Soomaaliya,waxaase sidoo kale iman kara in Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira ay sidaan oo kale u tagaan Uganda ayuu yiri Siyaasi Caalim.
Hoos Ka Dhageyso Codka Siyaasi Caalim