53 Xubnood ee isugu jiray Wasiiro Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal ayaa Maanta Madaxweyne Cabduweli Maxamed Cali Gaas, waxa uu horgeeyay Xubnaha  Baarlamaanka Maamulkaas kadib Magacaabistiisii 7,dii Bishaan Agoosto.
Kulanka baarlamanka Puntland markii uu furmay kadib ayaa xubnaha Golaha wasiirada waxa la siiyay mid kiiba min 5 Daqiiqo oo uu uga hadlayay taariikh nololeedkiisa..
Xarunta waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Cabduweli Maxamed Cali gaas,iyada oo inta badan Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka ay xaadir ahaayeen.
Intaas kadib waxaa cod loo qaaday Xukuumadda cusub,waxana baarlamaanka Goobjoog ahaa 64 Xubnood waxa Cod Gacan taag ah ku ansixiyay 61 Xubnood  waxaana diiday 3 ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka mana jirin cid ka aamustay.
Gudoonka Golaha Wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi  ayaa ku dhawaaqay in Xubnaha Golaha wasiirada ay ansax yihiin islamarkaana la siiyay codka kalsoonida.
Ugu dambeyn Madaxweyne Cabduweli Maxamed Cali Gaas,ayaa xubnaha Golaha Baarlamaanka uga Mahad celiyay qaabka wanagsan oo ay u ansixyeen Golihiisa Wasiirada Cusub.