Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah anxisintii Golaha Shacabka ay maanta ansixiyeen Xeerka Isgaarsiinta oo muhiim u ah dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo dadaal dheer u galay sidii Xeerka Isgaarsiinta loo ansixin lahaa ayaa soo dhoweeyey go’aankii Golaha Shacabka ee maanta, sheegeyna ansixinta Xeerka Isgaarsiinta inay tahay tallaabo horey loogu qaaday Dowlad Wanaaga Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Waxaan ku faraxsanahay dadaalkii aan u galnay in dhammaan qeybaha bulshada lala tashado, la dhageysto, laga qeybgeliyo sameynta Xeerka Isgaarsiinta in maanta aan aragno faa’iidada wadatashiga bulshada oo noo sahlay in Xeerkii la ansixiyo.â€
Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey Xeerka Isgaarsiinta oo 158 xildhibaan ay ansixiyeen halka hal xildhibaan uu diiday. Xeerka Isgaarsiinta ayaa loo gudbinayaa Aqalka Sare si ay u darsaan, uga doodaan ka dibna u ansixiyaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha