Maamulka Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Gacan ka hadalkii Maanta Magaalada Hargeysa ku dhex maray qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wakiilada Maamulkaas.
Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir,oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa aya si kulul uga hadlay dhacadaas,waxa uuna sheegay in Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland uu hal qof uun uu yahay.
Waxa uu digniin u diray xisbiyada qaar ee Soomaaliland oo uu sheegay in qalqal amni ay xiligaan wadaan.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id