Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Cansuur Xasan ayaa faah faahin Guud ka bixiyay cida Gacanta ku heysa ama maamusha furaha Soomaaliya ee Isgaarsiinta ee 252.
Wasiir Cabdi Canshuur ayaa sheegay in furahaas 252, oo ay Soomaliya leedahay ay Gacanta ku hayaan shirkado gaar ah kuwaas oo iska maamusha balse aysan wasaaradu laheyn awood ama Sharci ay Shirkadahaas uga joojiso istcimaalka.
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ugu baaqay in ay ansixiyaan Sharciga Isgaariinta dalka oo dhowr mar uu horgeeyay Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxa uu tilmaamay in Masuuliyada dhibaatadii ka timaada waxyaabihii uu xadidi lahaa Sharciga Isgaariinta ay masuul ka yihiin Golaha xukuumadda iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Hadalkaan ayaa Wasiirka Boostada iyo Isgarsiinta Soomaaliya waxa uu ka sheegay kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee shalay oo uu ka qeybgalay.